10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Burundi oo Todobaadyo gudahood ciidamo u direysa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 07, 2007(HOL): Dowladda Burundi ayaa shaacisay in ay todobaadyo gudahood u direyso dalka Soomaaliya ciidamadii ay horay u ballanqaaday oo tiradooda ay gaareyso 1,700 oo askari.

 

Wasiiru Dowlaha Difaaca Dowladda Uganda Ruth Nankabirwa ayay Jariidada Monitor ee ka soo baxda dalka Uganda ka soo xigatay in ay Xukuumadda Burundi  ku wargelisay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya dhamaadka bishan.

 

Wasiiru-dowlaha waxaa uu sheegay in Dowladda Burundi ay heysato kaliya dhibaato dhinaca daadgureynta ciidamada ah balse ay sida kale diyaar yihiin Ciidamadooda.

 

Dowladda Uganda ayaa horay ugu dirtay Soomaaliya 1,500 oo ciidamadeeda ah, kuwaasi oo haatan Muqdisho ku sugan, inkastoo aysan weli howlgallo bilaabin. Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay ciidamo gaaraya 850 askari ay u direyso Soomaaliya, halka Dowladaha Ghana iyo Malawi iyana laga filayo in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya.

 

Laakin iyadoo ay Dowladahaas ballanqaadayaan in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya ayaa hadana dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday dagaallo looga soo horjeedo ciidamada shisheeye ee ay adeegsaneyso Dowladda Federaalka, waxaana dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda ku dhintay dad ku dhow 400 oo ruux., halka ku dhaawacmeen kuna barakaceen dad kale oo intaas ka badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).