10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Jendayi Frazer iyo Michel Ranneberger oo Baydhabo kula kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 07, 2007(HOL): Wafdi ay hoggaaminayaan Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Jendayi Frazer iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Michel Ranneberger ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Saraakiishan sare ee ka socota Dowladda Mareykanka ayaa markii ay magaalda Baydhabo tageen waxay kulamo la qaateen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo saakay ka tegay Magaalada Muqdisho.

 

Lama shaacin waxyaabaha ay ka wada hadleen mas’uuliyiinta labada dhinac, waxayse warar ku dhow dhow xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay sheegayaan in ay Saraakiishan Mareykanka ka socda ay kala hadleen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda Magaalada Muqdisho oo todobaadkii hore ay ka dhaceen dagaallo ay dad badan ku dhinteen.

 

Jendayi Frazer iyo Michel Ranneberger oo si gaar ah ula socda arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa horay waxay uga dhawaajiyeen taageerada ay Dowladda Mareykanka u heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu isku dayeysa sidii ay ula wareegi lahayd gacan ku heynta dalka Soomaaliya.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay wafdigan ka socda Dowladda Mareykanka ay kulan la qaateen Guddiga ugu xil saaran Dowladda Federaalka Shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday, iyadoo sidoo kalena ay la hadleen Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku kulmay Xaruntiisa KMG ah ee ADC-da.

 

Jendayi Frazer oo u qudbeysay Baarlamaan Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ay Dowladda Mareykanka taageereyso dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Jendayi Frazer waxaa ay caddeysay in ay Dowladda Mareykanka horay u siisay Dowladda Soomaaliya lacag dhan 40 Milyan oo Doollar, haatanna ay bixineyso 60 Milyan oo kale, iyadoo isu geynta dhaqaalaha uu Mareykanka ku bixinayo Soomaaliya ay tahay 100 Milyan oo Doollar.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).