10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Meydad kale oo maanta laga soo uruuriyay Xaafadihii ay dagaallada ka dhaceen ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, April 06, 2007(HOL): Guddigii kala metalayay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay magaalada Muqdisho iyo Ururrada Bisha Cas iyo Laan-qeyrta cas ayaa maanta mar kale waxay soo uruuriyeen meydad yaalay xaafadihii ay maalmihii tegay ku dagaalameen Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Afhayeenka Guddiga loo xil saaray uruurinta meydadka Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa sheegay in ay soo heleen meydad kale oo tiro badan, kuwaasi oo yaalay xaafadaha Baar Ayaan, Cali Kamiin iyo Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, wuxuuna sheegay in meydadkaas lagu aasay Qabuuraha Barakaat.

 

Ilaa 10 ruux oo meyd ah ayaa maanta laga soo uruuriyay xaafadihii ay dagaalladu ka dhaceen maalmihii aynu ka soo gudubnay, iyadoo maalintii dorraad ahaydna la aasay sodomeeyo ruux oo meyd ah oo isla goobahaas meydkooda laga qaaday.

 

Meydadka laga soo uruuriyay xaafadihii ay labada dhinac ku dagaalameen oo qaarkood ay dilaaceen ayaa waxaa uruurintiisa iyo asturiddiisa kaalin mug leh ka qaatay Bisha Cas iyo Laan-qeyrta Cas oo iyagu goobaha ay meydadka yaalaan u soo diray Shaqaalahooda.

 

Dhanka kalen, waxaa maanta laga sii daayay Isbitaalka Xayaat dad uu ka mid ahaa Agaasimihii Maamulka Isbitaalka Inj. Cabdi Maxamuud Xasan, kuwaasi oo ay Isbitaalka ku qabsadeen Ciidamada Itoobiya, waxaana dadkaasi Isbitaalka laga soo saaray iyagoo tacbaan ah oo uu daal badan ka muuqdo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).