Jimco, April 06, 2007(HOL): Dowladda Yemen ee Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa shaaca ka qaaday in ay dadaal ugu jirto sidii ay u qaban lahayd shir ay ku heshiisiineyso dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Warar laga helay ilo lagu kalsoonaan karo oo ay shaacisay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa lagu sheegay in ay Dowladda Yemen waddo dadaallo heer gobol iyo heer Caalami ah oo lagu xalinayo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya.
Dowladda Yemen waxaa sheegtay in ay taageereyso baaq ka soo baxay kulan ay dhawaan wadamada Islaamka ku yeesheen Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, kaasi oo ahaa in la qabto kulan deg deg ah oo lagu dhameynayo mushkiladda Soomaaliya.
Dowladda Yemen ayaa tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ay mar kasta si dhow ula socotay arrimaha Dalka Soomaaliya, iyadoo dhowr jeerna shirar u qabatay mas’uuliyiinta Dowlado loo soo dhisay Soomaaliya oo khilaafaad uu soo kala dhexgalay, iyadoo uu ugu dambeeyay heshiiskii ay dhex dhigtay Guddoomiyihii ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed weliba xili ay Dowladda Federaalka kala qeybsaneyd
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia