Arbaco,
Dadkani oo ku hoos nool geedo ku yaala wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye hareeraheeda ayaa waxay ku nool yihiin xaalad biyo iyo dawo la’aan ah, iyadoo ay caruurtii halkaasi loo qixiyay qaarkood uu soo riteen xanuunnada shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen geedaha la hoos geeyay.
Inkastoo dadkani ay ka fogaadeen waxyeellada iyo maqalka madaafiicda waa weyn ee ay isku ridayaan labada dhinac hadana waxaa ku adag ku noolaashaha geedaha hoostooda, tiiyoo ay u sii dheer tahay in aysan heysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka.
Labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ayaa dadkaasi waxaa biyo nadiif ah gaarsiiyay Ururrada Bulshada Rayidka ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhowr Booyadood oo biyo ah u qeybiyay dadka u barakacay halkaas.
Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddi ay Ururrada Bulshada u xil saareen in ay dadkaasi caawiyaan ayaa sheegtay in baahida dareel ee ay qabaan dadka Muqdisho ka barakacay ee geedaha hoostooda ku nool ay tahay mid aad u ballaaran oo aaney kaligood waxba ka qaban karin, waxayna ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Deeq-bixiyayaasha Caalamka in ay dadkaasi u soo gurmadaan.
Madiino Janaraal waxay sheegtay in lix Booyadood oo biyo ah oo ay maalintii shalay ahayd qeybiyeen aysan waxba u tarin dadkaasi, isla markaana ay qoyskiiba ku soo aaday wax aan ka badneyn 20 Liitar biyo ah oo damcan aad ugu yar qoys dhan in uu ku noolaado.
Sida ay u badan yihiin dadkan Muqdisho ka barakacay ee degay geedaha ku yaala hareeraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa marag muujin u ah iyadoo ay qoysaska qaarkood bilaabeen in ay isku qabsadaan geedihii ay qaxa ku tageen, iyadoo qoys walbana uu doonayo in uu isagu dego.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadkani ayaa guryahoodi ka barakacay kadib markii ay Magaalada Muqdisho ka qarxeen dagaallo xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, tiiyo ay u sii dheer tahay argagax ay ka qaadeen maqalka madaafiic waa weyn oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku rideen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






