14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Odayaasha Hawiye oo maanta shir jaraa’id oo ay ka qabteen kasoo saaray Baaq

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 (HOL) – Gudiga odayaasha beelaha Hawiye ayaa galabta shir jaraa’id oo ah kii ugu horreeyay oo ay odayaashu qabtaan tan iyo markii laga itaal roonaaday xoogaggii ay hormuudka u ahaayeen waxa ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

 

Odayaasha ayaa shir saxaafadeedkoodaasi waxa ay ka aqriyeen baaq ay soo saareen oo ka kooban dhowr qodob kaasoo ay u jeedinayeen inta badan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Baaqa ay maanta odayaashu soo saareen oo nuqul kamid ahi uu soo gaaray xafiiska HOL ee magalada Muqdisho ayaa waxa uu u dhignaa sedan :-

 

1-In ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka guuraan goobaha ay ka bara kaceen shacabka si ay awood ugu yeeshaan in ay mar kale guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

 

2-In si dag dag badan loo joojiyo xarigga , qafaalashada iyo boobka loo geysanayo dadka shacabka ah kuwasoo lagu sii daayo sida ay sheegeen madax-furasho iyadoo taasina ay ku saleysan tahay qaab qabiil sida uu baaqu u dhigan yahay .

 

3-Waxay ugu baaqeen ciidamada dowlada Itobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya in ay si shuruud la’aan ah kusii daayaan boqollaalka ruux ee rayidka ah kuwaaso ay sheegeen in ay gacanta ugu jiraan labadaasi ciidan.

 

4-Waa in la joojiyaa bey yiraahdeen boobka iyo bililiqada ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay u geysanayaan hantida ay dadku ka bara kaceen sida :- Hey’adaha ganacsiga ,guryaha ,goobaha waxbarashada , isbitaallada , gaadiidka IWM.isla markaana intii la qaatay dib loogu soo celiyo ganta milkiilayaashooda waa sida uu baaqu u dhigan yahaye.

 

5-Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen hadalkii kasoo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Michal Runnebeger uu ku sheegay in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho aanay xasuuq aheyn isagoo siday sheegeen 30 arday oo kaliya oo lagu dilay jaamacaddii Verginia ku sheegay in ay xasuuq aheyd .

 

6-ugu dambeyntii waxa ay sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaameen in xilli uu wadahadal u socdo iyaga iyo dowladda Soomaaliya misane ay sii socdaan falalkii boobka iyo bililiqada ahaa iyo waliba tacaddiyo kale taasoo ay sheegeen in ay sababi karto in ay yimaaddaan isku dhacyo hor leh.

 


Baaqa odayaasha hawiye ayaa yimid kadib maalin marki ay kulan la qaateen masuuliyinta ugu sarreysa dowladda Soomaaliya kulankaasoo lagu tilmaamay mid qiimo badan oo gogosha u xaaraya in ay dhacaan wada hadallo kale oo xal lagu gaaro.

 

Hiiraan Online

warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).