14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay caawiso Dadka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda Lt. Gen. Katumba Wamala ayaa beesha caalamka ka codsaday in la caawiyo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ee waxyeellada ka soo gaartay dagaalladii dhawaan ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gen. Katumba Wamala oo booqday goobo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan ay heysato masiibo bani’aadannimo oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay Beesha Caalamka qiimeyneyso nolosha dadka Soomaaliyeed in ay la gudboon tahay in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dadkaas.

Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda waxaa uu sheegay in Hay’adaha gargaarka qaarkood ay dadka Muqdisho kula dhaqmayaan dan-ka-gelis la’aan, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay sheegashooyin ka soo baxay hay’adaha qaarkood oo sheegayay in aaney Muqdisho tegi karin, “ma jirto hadda sabab ay uga maqnaadaan Muqdisho, maxaa yeelay dagaalkii waa istaagay, xaaladda nabadgelyo-na waa Ok, garoonka iyo dekedda Muqdisho waa ay shaqeynayaan, waxaana imaanaya diyaarado iyo maraakiib”ayuu yiri Gen. Katumba Wamala.

Hay’adaha UN-ka ayuu uga digay Gen. Katumba Wamala in ay ka gaabiyaan u gargaaridda dadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in magaalada Muqdisho aysan lahayn adeegyadii bulshada, si gaar ahna waxaa uu farta ugu fiiqay in aysan shaqeyneynin Isbitaalladii iyo goobihii kale ee muhiimka u ahaa, wuxuuna intaas ku daray Taliyaha in ay dadka Muqdisho qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan daryeel la’aan waayo ayuu yiri dadku ma heystaan dawo, raashin iyo biyo nadiif ah.

Gen. Katumba Wamala oo Khamiistii yimid magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in ay Ciidamadooda Muqdisho ay wixii karaankooda u qabteen dadka Muqdisho ee dhibaateysan, “Dhaqaatiirteena Muqdisho jooga waxaa ay daweynayaan dadka dhaawaca ah, waxay quudiyaan caruurta nafaqo darrada heyso, sidoo kalena waxaa loogu yeeraa Miinooyin iyo Bambooyin aan qarxin, kuwaasi oo ay dadka Muqdisho ugu yeeraan Ciidamadeena”ayuu mar kale yiri Gen. Katumba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).