Isniin, April 30 2007(HOL): Guddomiyaha Gobalka Hiiraan Eng, Xuseen Mux’ed Maalin oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo sida uu sheegay Gudoomiyuhu damacsanaan in ay abuulaan arimo ka dhan ah Nabad-galyada ka dib markii ciidamada oo aad u hubeysnaa is hor-taageen howlihii Cashuur u qaadista iyaga oo ku tilmamay in si gaar ah loogu tagri falo.
Guddoomiyaha oo si faah faahsan uga hadlay Arimaha Ciidamada Gadoodka Sameeyay ayaa sheegay in ay ahaayeen kuwo markii horeba ka soo gostay sida uu hadalka u dhigay Xerada Tababarka Ciidamada ee Bali-doogle, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale qaar ka mid ah ay ka soo baxsadeed howl-galkii cuslaa ee dagaalka lagula jiray sida uu hadalka u dhigay kooxihii ku kacsanaa Dowladda ee Magaalada Muqdisho, isaga intaa sii raaciyay in ay doonayee gudaha falal amaan daro oo ay ka fuliyaan gudaha gobalka.
Qaar ka mid ah Ciidamadaasi Xabsiga ayeeynu dhignay kuwa kalana weynu ku raad joognaa ayuu yiri” lakiin waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo cida soo qabatay Ciidamada oo ku hubeysnaa gawaarida Dagaalka, maalintii shalay ayaa gudaha Magaalada lagu arkay Ciidamada Dowlada Itoobiya oo aad u hubeysan kuwaasoo sida wararku sheegayaan xabsiga dhigay ciidamada Gadoodka sameeyay, walow arintaa maamulku uusan si dhab u cadeyn.
Arimaha Canshuurta oo ah tan ugu dhibka badan marka la eego inta badan Qilaafka soo kala dhax-gala gudaha Maamulka Gobalka ayaa qaar ka mid ah ciidamadu waxaa ay ku tilmaamayaan in ay tahay mid aan loo maamulin sidii loogu tala galay, maadaama uusan jirin Mishaar ugu yimaada Ciidamada dhinaca Xukuumada Federaalka.
Dhanka kale Qar aad u weyn oo ka dhacay Deegaanka Jawiil ee Gobalka hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday Wiil 13 sano jir ah halka mid kalna uu ku dhaawacmay, qaraxa oo ahaa sida warar soo warar soo baxaya sheegayaan Miino dhulka lagu aasneyn ayaa qaraxday ka dib markii caruurta wax yeeladu soo gaartay isku dayeen in ku cayaaraan kadib markii miinadasi ay dibada u soo saareen Roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay qeybo ka mid ah Gobalka.
Deegaanka Jawiil ee Qaraxu ka dhacay ayaa dhowr jeer waxaa ku dagalamay Ciidamadii Maxkamadii islaamiga ee Gobalka hiiraan iyo kuwa beesha degta Deegaanka Jawiil, halka markii danbana uu ka dhacay dagaal dhax maray Ciidamada Itoobiya iyo kuwii Maxakamadaha, waxaana la rumeysan yahay in wali qeybo ka mid halkaa lagu arki karo wax yaabaha qarxa oo wali aasan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






