15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Dowladda Federaalka oo la kulantay Odayaashii Beesha Hawiye ee ka soo horjeeday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 2007(HOL): Odayaashii Beesha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Jen. Gabre oo madax u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga.

Kulankaas oo la sheegay in ay labada dhinac uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdii labada dhinac dhexmartay, iyadoo labada dhinac ay isku af-garteen in wada hadal lagu soo af-jaro dhibaatadii iyo dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen.

Afhayeenka Guddigii xabad-joojinta Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac aad isugu soo dhawaadeen, isla markaana ay ka wada qoomameeyeen khasaaraha ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen, hantida badanna ay ku burburtay.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ku ballameen kulamo kale oo ay uga sii hadlayaan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho, isla markaana loo baajin lahaa in ay yimaadaan dhibaatooyin kale, wuxuuna meesha ka saaray in ay Dowladda Federaalka isu dhiibeen oo ay ku qasbanaadeen wada hadallada. Odayaasha Beesha Hawiye ee kulankaas ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Maxamed Xasan Xaad iyo dhowr iyo toban Oday oo kale.

Odayaasha Beesha Hawiye ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed, halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).