Talaado, April 03, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere ayaa Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ka meer meerayaan in ay la hadlaan Dowladda Federaalka, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid aan xal lagu keeneynin.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay odayaasha sheegaan mar kasta in ay heshiis la gelayaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, “Waxay sheegeen in ay la heshiinayaan Saraakiil Itoobiyaan ah, waxaan leenahay haddii ay meel wax la dhigan karaan Itoobiyaanka hala dhigteen”ayuu yiri Gacmadheere oo intaas ku daray in ay dhowr jeer Idaacadaha ka hadleen Odayaal sheegay in aysan aqoonsaneyn Dowladda Federaalka, taasina ay u arkayaan mid wax isku soo dhaweyneynin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay in ay dhowr jeer oo hore ay u yeereen Odayaasha wax ka tabanaya, balse ay Odayaashu ka diideen in ay u yimaadaan, “Annagu weli sidii ayaan ugu jeedineynaa codsigii ahaa in ay noo yimaadaan oo ay noo sheegaan waxa ay naga tabanayaan”ayuu yiri Gacma-dheere.
Odayaal ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa horay waxay u sheegeen in ay heshiis la gaareen Saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo heshiiskaas oo ahaa mid xabad joojin ahna uu buray kadib markii ay Ciidamada Itoobiya Muqdisho ka bilaabeen howlgallo.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo socday afar maalmood kuwaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 400 oo ruux, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah, iyadoo ay jiraan dad kale oo dagaalka ku dhawaacmay iyo kuwo ku barakacay.
Haatan dagaal
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxgarad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in ay si toos ah u wada hadlaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyayaasha Beelaha ee ka soo horjeeda, si loo baajiyo in ay dhacaan dagaallo kale oo lagu hoobto, walow ay labada dhinac ee ku loolamaya gacan ku heynta Muqdisho ay u muuqdaan kuwo aan sii kala jeeda oo aan rabin in ay xal gaaraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






