15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo amar ku siiyay Ciidamada Dowladda Federaalka in ay gacanta ku soo dhigaan Kooxaha Qarbudaada iyo Bililiqada ka wada Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 29 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday in ay Muqdisho dhibaato ka geysanayaan maleeshiyooyinkii Maxkamadaha Islaamka oo soo labistay Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in si dhaqsi ah tallaabo looga qaadayo maleeshiyooyinkaas.

Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in haatan xaaladda Magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u xasiloon, isla markaana ay ammaanka magaalada sugayaan ciidamada Dowladda Federaalka, inkastoo uu farta ku fiiqay in ay jiraan kooxo weli wada falal nabadgelyo darro ah iyo bililiqo isugu jira.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo waxaa uu si toos ah uga amray qalabka warbaahinta Ciidamada Dowladda Federaalka in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha wax bililiqeysta, wuxuuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed , isla markaana ay u soo sheegaan meelaha ay ku dhuumanayaan kooxaha ku kacaya falalka aan wanaagsaneyn ee ay bililiqada ka midka tahay.

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in si dhaqsi ah loo howlgelinayo Degmooyinka, Saldhigyada Booliska iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana waqti kooban gudihiis wax looga bedeli doono xaaladda magaalada Muqdisho, wuxuuse ku cel celiyay in aysan Dowladda Federaalka kaligeed waxba qaban karin, isla markaana ay u baahan tahay la shaqeynta shacabka.

Dhinaca kalena Ciidamada Dowladda Federaalka oo maanta howlgallo nabad-sugid ah ka sameynayay Xaafadda Baar Ubax ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo maleeshiyooyin ah oo labisnaa dharka Ciidamada Dowladda federaalka, kaasi oo dadka iyo gaadiidka dhac u geysanayay, waxaana maleeshiyooyinkaas oo 6 nin ah loo taxaabay xabsiga Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).