15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Gacma-Dheere oo sheegay in ay Dowladda Federaalka dhiseyso Goobihii adeega Bulshada ee ku burburay Dagaalladii Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 29 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Gacma-dheere ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dhiseyso Dugsiyadii Waxbarashada iyo Isbitaalladii ku bur buray Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u adeegi jiray Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa uu sheegay in goobahaasi ay ahaayeen kuwo loogu adeegayay dadka, wuxuuna sheegay in ay qorshaha ugu jirto in ay wax ka qabato burburkii soo gaaray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dowladda mas’uuliyaddaas dareemeyso.

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo Magaalada Kismaayo u jooga xalinta khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan ayaa wuxuu baaq ugu diray shacabka Soomaaliyeed ee ka barakacay magaalada Muqdisho, wuxuuna baaqiisa ugu sheegay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo dhinaca kalena carrabka ku dhuftay in ay dowladda qeyb ka qaadan doonto dib u soo celintaas dadkaas, gaar ahaan kuwa aanan heysan wax ay ku soo noqdaan.

Dhanka kalena Wasiirka waxaa uu ka dhawaajiyay in ay dowladda Federaalka la hadleyso Odayaashii ka soo horjeeday ee sida uu yiri wax ka waday dagaalladii Muqdisho ka dhacay, waase haddii buu yiri aysan dagaal wax ku dooneynin, sidoo kalena waxaa uu sheegay in aysan jirin cid aar-goosi lagula kacayo amaba loo waxyeeleynayo in ay ku lug lahayd dagaalkii looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkiisan waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka ay dagaal kula wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho kadib dagaal qaraar oo muddo bil ah ka socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).