Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL)  Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max’ud Maalin.
 
Howl-galka oo xoogiisa laga Bilaabay watada dheer ee isku xirta Gobalada dhaxe ee Soomaaliya ayaa ujetada laga leeyahay lagu macneeyay in looga hortago kooxaha Burcada ah ee dhibaatada ku haya dadka safarka ah iyo kuwa sida la sheegay qal-qal galin kara nabad-galyada  guud ee gobalka, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Xuseen Max’ud Maalin ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalku howl-galka ay ka wadaan gudaha gobalka yahay mid la xiriira dhamaan howlaha lagu sugayo nabad-galyada guud ee dalka ee dowladu dhawaan ka bilaabeyso dalka oo idil.
 
Waxaana uu intaa raaciyay Gudoomiye Xuseen Maalin in cidii lagu arko iyada oo faraha kula jirta fal ka hor imaanaya nabab-galyada Guud laga qaadi doono talaabada ku haboon, gaar ahaan waxaa uu u digay kooxaha caadeystay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee bar yihii aynu soo  dhaafnay ku soo badanayay qeybo badan oo ka mid ah Gobalka.
 
Ciidamada Itoobiya ee iyaguna ku sugan deleedka Magaalada B/weyn ayaa dhinacooda siweyn isha ugu haya dhaq-dhaqaaqa watada gasha Gobalada dhaxe, waxaana xusid mudan in ciidamadu siweyn u baarayaan Gawaarida ku sii jeeda dhinaca Magalada Muqdisho  oo maalmihii aynu soo dhaafnay qaarkood laga helay hub culus oo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.
 
Dadka ku dhaqan Gobalka ayaa ku macneynaya howl-galka ciidamada Federaalka ee ku sugan  gobalka iyo kuwa Itoobiya mid ku xiran dhaq-dhaqaaqa ka jira Magaalada Muqdisho oo hada ah mid gacanta ugu jirta Dowlada Federaalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online