Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.
 
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in ay ahayd in muddo labo sano bar gudahood ah lagu sameeyo Dastuurka Federaalka, isagoo sheegay in haatan waqtigaas laga gudbay, isla markaana ay Dowladda Federaalka ku guuleysan weyday in Dastuurkii dalka lagu dhaqi lahaa ay diyaariso. Shariif Xasan waxaa uu carrabka ku dhuftay in Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka uu dhigayo in haddii waqtigaas lagu soo diyaarin waayo Dastuurka ay dhaceyso Dowladda Federaalka.
 
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ka hadlay guushii ay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka sheegeen in ay ka gaareen dagaalladii Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay nasiib darro tahay in ay mas’uuliyiinta Dowladda guul ku tilmaamaan Dadkii Soomaaliyeed oo la dhameeyay, waa sida uu hadalka u yiriye.
 
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi in ay dalka Soomaaliya soo geliyeen Ciidamada Itoobiya oo cadaw soo jireen ah u ah Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna farta ku fiiqay in dhibaatadii Muqdisho ka dhacday ay Maxkamad ku soo taagi doonaan mas’uuliyiintaas.
 
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano dhowr ah oo Asmara kula sugan ayaa horay looga qaaday Xilalkii ay horay uga hayeen Baarlamaanka Soomaaliya, walow ay ku doodeen in xil ka qaadista lagu sameeyay ay ahayd mid aan sharci ahayn, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu Baarlamaanka Soomaaliyeed yahay mid la heysto oo aan xor ahayn.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia