15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 
Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa saakay lagu daadiyay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, waxayna dhigistooda Isgoysyada Muqdisho ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.
 
Ciidamada maanta ka howlgelayay Isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan in Dowladda Federaalka ay isku sii baahineyso Magaalada Muqdisho oo aysan ciidamadeeda horay uga howlgeli jirin, waxaana isgoysyada ay maanta ka howlgelayeen ka mid ah Tareebuunka, Kaasa-balbalaare, Bakaaraha, Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Florenza iyo kuwo kale, wuxuuna howlgalkoodan ahaa mid ay ku baarayeen gaadiidka isaga kala goosha isgoysyadaas.
 
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, wax rasaas iyo madaafiic ahna kama dhacayaan, taasina waxay suurtagelisay in ay dadkii horay uga barakacay qaarkood dib ugu soo laabtaan, halka kuwo kalena ay weli qax ku maqan yihiin, iyagoo qiimeynaya xaaladda.
 
Inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, hadana waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa bililiqo loo geystay hanti ay dad gaar ah lahaayeen iyo kuwo ay shirkado lahaayeen, iyadoo ay sii dheer tahay in ay Ciidamada Dowladda qaarkood ay yihiin kuwo u baahan in anshaxa iyo dhaqanka suuban la baro, waayo waxaad arkeysaa askar qaba labiska ciidamada Dowladda Federaalka oo hadana u dhaqmaya sida maleeshiyooyinkii hoggaamiye kooxeedyada iyo iyagoo mararka qaarkood hubka la raacaya gaadiidka BL-ka ah.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa qaabilsan Ciidamada ayaa looga fadhiyaa in ay Ciidamadooda xakameeyaan, isla markaana ay go’aanno adag ka soo saaraan askarta ku xadgudba shacabka iyo hantidooda.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).