15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
 
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wareegto uu soo saaray xilkaas ugu magacaabay Maxamed Dheere, iyadoo magacaabistaasna la sheegay in uu aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Magacaabista Maxamed Dheere loo magacaabay Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dowladda Federaalka ay la wareegtay gebi ahaanba gacan ku heynta Magaalada Muqdisho oo muddo bil ah ay dagaallo khasaare geystay ka socdeen.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa muddo shan sanadood ah waxaa uu Guddoomiye ka ahaa Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo deegaanada hoos yimaado gobolka Shabeelada Dhexe-na uu ka hirgeliyay ammaan la isku haleyn karo oo suurtageliyay in ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, markii ugu horeysay ee ay u soo guurtay gudaha dalka Soomaaliya.
 
Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) oo ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ka soo baxay nidaamkii ay beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadeen ee

4.5 ayaa jagadiisii Xildhibaannimo waxaa uu ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay hortaalay noqoshadiisa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya caqabad ahayd in uu marka hore noqdo Xildhibaan.
 
Maxamed Dheere ayaa ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ay deegaanadoodii kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka taliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo ay hoggaamiyayaashaasi lix bilood kadib dib ugu laabteen deegaanadoodii.
 
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u ahaan jiray Maxamuud Xasan Cali (Cadde), kaasi oo haatan xilkaasi laga wareejiyay. lama oga in Cadde Gaabow uu raali ka yahay xil ka qaadista lagu sameeyay iyo in uu dood ka qabo, walow ay jiraan warar aan si rasmi ah loo shaacin oo sheegaya in Duqii hore ee Magaalada Muqdisho xil ka qaadista lagu sameeyay loogu bedeli doono xil kale oo Safiirnimo ah.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maxamed Cumar Maxamed Dheere ayaa magacaabistiisan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Muqdisho uu is-bedel weyn ka dhacay kadib dagaallo muddo bil ah ka socday, kaasi oo ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen, kuna barakaceen dad aad u faro badan.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).