Jimco, April 27 (HOL) – Guddiga gacasatada goblka Banaadir ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir.
![]()  | 
| Taliyaha Booliska Soomaaliyeed – Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-Diid) | 
Kulankaasi ayaa waxaa looga arrinsanayay sidii lagu dhowri lahaa amaanka Suuqa Weyn ee Bakaaraha isla markaana looga badbaadin lahaa dadka boobka u geysta hantida dadweynaha sida maantaba lagula kacay qaar ka tirsan goobo gacansi oo waaweyn.
Guddiga gacansatada ayaa waxa ay sheegeen in ay ka codsadeen taliyaha ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-Diid in suuqa Bakaaraha oo ay ku sheegeen halbowlaha ganacsiga Soomaaliyeed la dhowro isla markaana laga badbaadiyo gacanta wax magaratada.
Afhayeenka guddiga ganacsatada gobolka Banaadir Cabaas Max’ed Ducaale ayaa sheegay in ciidamada ilaalada ka ah Suuqa Bakaaraha oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 200 oo ruux ay diyaar u yihiin in ay Booliiska garab ku siiyaan sidii loo sugi lahaa amaanka suuqa Bakaaraha.
Waxa uu sheegay in haddii ciidamada amaanku ay damcaan in ay baaraan Suuqa Baakaraha ay iyagu soo dhaweynayaan isla markaana ay si dhameys tiran ula shaqeynayaan.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in cidamada Amaanka gobolka ay maalinta berri ah gudaha usoo gali doonaan suuqa Bakaaraha isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan goobihii ay ku tuhmaan in ay hub ama rag hubeysani ku jiraan.
Waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay in boob iyo bililiqo loo geysto suuqa Bakaaraha iyadoo cabsidaasina ay haatan u muuqato mid sii dhamaaneysa sida uu HOL u sheegay Afhayeenka
Hiiraan Online







