14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Magaalada Muqdisha oo maanta daganeyd, iyo boob ka dhacay qeybo katirsan Magaalada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, April 27 (HOL) – Xaaladda magaalada Muqdisha ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa maanta daganeyd iyadoo dhagaha dadweynaha ku dhaqan magaalada aanay maanta haba yaraatee soo gaarin wax dhawaq rasaas ah.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii maalintii shalay dagaallo xoogan oo ka dhacay Muqdisha looga itaal roonaaday xoogagga kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo Joogitaanka ciidamada itoobiya.

 

Waxaa maanta inta badan waddooyinka magaalada dhex wareegeysanayay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan gaadiidka gaashaaman oo hadba dhinac u socda .

 

Sidoo kale waxaa maanta dad aad u fara badan lagu arkayay goobihii ay dagaalladu ka dheceen maalmihi aynu kasoo gudubnay iyadoo inta badan dadkaasi ay ahaayeen kuwo soo eeganaya guryahoodii oo iyagu aagga dagaalka ku yiillay kuwaasoo aanay u suurta galin in ay tagaan xilligii uu dagaalku ka soconayay magaalada Muqdisha.


Qaar kamid ah dadka dib ugu soo laabtay deegaannadoodii oo ku yiillay goobaha furunta ahaa ee ay dagaalladu ka soconayeen ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowlada itoobiya in kastoo qaar kamid ah dadkaasi dib loo sii daayay haddana waxaa jira kuwa wali ku jira gacanta xoogagga Itoobiya.

 

Waxaa magaalada Muqdisho guud ahaan maanta laga dareemayay xaalad deganaasho iyadoo la arkayay dad dib ugu soo laabanaya magaalada in kastoo inta badan dadkii ka bara kacay Muqdisha ay wali shaki ka qabaan deganaashaha uu shakigu ku jiro ee ka jira caasimadda taasoo dhalisay in inta badan dadkii ka cararay magaalada xilligii dagaalka ay wali ka maqan yihiin Muqdisha

 

Dhanka kale waxaa falal boob ah lagula kacay goobo ganacsi oo kala duwan kuwaasoo ay kamid ahaayeen warshadda Coca Cola ee deg.Yaaqshiid iyo waliba Isbitaalka Al-nuur ee isna ku yaalla deg.Huriwaa ee magalada Muqdisha.

 

Waxaa sidoo kale boobku uu gaaray goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla agagaarka Ex-Cntrol iyo Ceymiska.

 

Hiiraan Online

warar@hiiraan.com

 

Dhinaca kale waxaa jira waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisha oo xirnaa maalmihii uu dagaalka ba’ani ka jiran magaalada Muqdisha oo maanta dib loo furay in kastoo aanay jirin ilaa iyo haatan wax gaadiid ah oo ku socdaalay waddiiyinkaasi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).