14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Dagaal laysku adeegsaday hub culus oo goor dhaweyd ka dhacay xaafadda Bar-Muuda

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, 26, Apri. 2007 (HOL)  Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Goor dhaw mar kaliya la maqlay dhawaaqa Rasaasta  Culus iyo waliba Madaafiic ay isweydaarsanayaan Ciidamada Itoobiya iyo  kuwa dowlada oo isku dhinac ah  iyo  kooxaha ka soo horjeeda
 
Madaafiic culus iyo waliba Rasaas lays weydaarsaday ayaa qaarkood ku soo dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada walow aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaa dhacay,
 
Dhanka kale waxaa caawa dagan xaafadihii maalmihii aynu soo dhaafnay iska hor imaadku ku dhax-maray dhinacyada is haya, oo intooda badan hada ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya.
 
Goobaha ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ayaa waxaa ka mid ah, Fagax, Hotel Ramadaan, Jamhuuriya, towfiiq, Huriwaa, Ex- Koontarool Balcad, iyo waliba qeybo kale oo muhiim u ahaa kooxaha ka soo horjeeda, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in marka la eego  xaafadaha W/Muqdisho oo idil hada yihiin kuwo gacanta ugu jira ciidamda Dowlada iyo Waliba kuwa Itoobiya.
 
Gacan ku dhigista xaafadaha iyo waliba goobaha muhiimka u ahaa kooxaha kacdoonka wada ayaa dhan marka laga eego la oran karin waxaa ay dhamaan soo afjarayaan dagaaladii ka jiray gudaha caasimada Maadaama wali qeybo ka mid ah magaalada ay ku jiraan xoogaga wax iska caabinta oo mar walba la filan karo dagaalo ka bilaabaan goobaha ay ku sii harsan yihiin, lakiin R/iisul wasaare Geedi ayaa sheegay in dhamaanba la soo afjaray dirirtii ka soctay Caasimada Muqdisho isaga oo dhanka kalna shacabka ugu baaqay in guryadooda ku soo laabtaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).