Khamiis, April 26 (HOL) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ka soconaya dagaallo xooggan oo u dhexeeya dhinacyada ku lagdamaya magaalada in kastoo ay u muuqato in ciidamada Dowladda Itoobiya oo kaabaya kuwa DKMG ay goobo hor leh kala wareegeen xoogaga kasoo horjeeda.
Dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka Hotel Towfiiq ilaa Fagax ayaa wuxuu geystay khasaare fara badan oo dhinaca nafta ah
Meydad gaaraya ilaa 13 ayaa yaalla waddada dheer ee soddonka gaar ahaan inta u dhexeysa Fagax iyo Towfiiq.
Ciidamada Dowladda Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkayay goobo fara badan oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxaha wax iska caabinta ee iyaga kasoo horjeeda.
Aagagga cusub ee ay ciidamada Itoobiya la wareegeen maanta ayaa waxaa kamid ah Towfiiq, Ex-Control, Huriwaa, Sos iyo goobo kale ,waxana jira wali rasaas leysku weydaarsanayo goobahaasi.
 
Waxaa wali la maqlayaa dhawaqa madaafiicda waaweyn oo ka dheceysa goobo aad uga durugsan halkii maalmihii laga soo gudbay lagu dagaalamayay.
Guud ahaan dadka maanta ku geeriyooday dagaalka ayaa inta la’ogyahay gaaray 29 ruux iyadoo tiro kale oo boqol ku dhawna ay dhaawacyo kaso gareen.
Dhinaca kale R/Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayay guulaha ay maanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa xukuumaddiisu oo is garabsanaya kasoo hooyeen dagaalkii ay baryahanba kula jireen xoogagga kasoo horjeeda ku qabtay Hoygiisa ayaa ugu hambalyeeyay sida uu sheegay ciidamada amaanka qaranka tallaabooyinkan ay maanta ku tallaabsaden.
Cali Maxamed Geeddi waxa uu sheegay in ay xukuumaddiisu cafis u fidineyso haddii ay dowladdiisa isku soo dhiibaan waxa uu ugu yeeray dhallin yarada la marin habaabiyay hase yeeshee waxa uu sheegey in aanay dowladdiisu marnaba cafin doonin hogaanka waxa uu ugu yeeray argagixisada iyo xubnaha ajnabiga ah ee uu sheegay in ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisha.
Cali Maxamed geeddi waxa uu xusay inaanay jiri doonin wax aarsi iyo dakane ah oo ay dowladdiisu u geysan doonto mucaaradka xukuumadda iyo kooxaha dowladdiisa dagaalka kala soo horjeeda
   .
Waxa uu ugu baaqay ciidmada dowladdisa in ay baaritaanno xoogan ka sameeyaan goobaha ay gacanta ku dhigeen isla markaana aanay ku dhaqaaqin tallaabo aanay amar u heysan.
R/Wasaare Geeddi waxa uu u sheegay ciidamadaasi in ay ilaaliyaan amaanka aagagga ay qabsadeen isla markaana ay la dagallamaan burcadda iyagu aalaaba boobka ka geysta goobaha sidan oo kale loogu dagaallamo.
R/Wasaare Geeddi waxa uu ugu dambeyntii ku boorriyay dadweynihii ka bara kacay goobaha ay haatan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo wada jira gacanta ku dhigeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda isla markaana ay dib u billaabaan noloshoodii caadiga aheyd.
Hiiraan Online






