Arboco, April 25 (HOL) – Kulan waan waan ahaa oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisha oo ay maanta Hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisha ku qaateen guddi ka tirsan odayaasha beesha Hawiye iyo saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa natiijo la’aan kusoo gabagaboobay.
Labadan dhinac ayaa si fool ka fool ah maanta isu soo hor fariistay iyagoo si wada jir ah u falanqeeyay halka sartu ay ka quruntay ee fashilka ku keena kulan walba oo ay dhinacyadani isugu yimaadaan.
Arrinta ugu weyn ee ay ciidamada Itoobiya ku dhaganaayeen kulankii maanta isla markaana u cuntami weysay dhinaca kale sida uu mid kamid ah saraakiisha ka qeyb gashay u sheegay HOL ayaa aheyd in ay sheegeen itoobiyaanku in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xubno ay ugu yeereen argagixiso kuna abtirsada ururka Al-qaacidda kuwaasoo gabaad ka helaya beesha Hawiye .
Qodobkan ayaa isagu dood dheer oo ugu dambeyntiina dib loogu ballamay in leysugu soo laabto kulan kale ka dhex abuuray ergadii labada dhinac ee maanta wadaxaajoodka isugu timid.
Hindisaha wadahadalkan ayaa isagu ahaa mid markii horeba ka yimid dhinaca dowladda Itoobiya in kastoo odayaasha beesha Hawiyena ay tilmaameen in iyaga laf ahaantoodu ay kaalin ku leeyihiin tallaabooyinka lagu damacsanaa in xabad joojin lagu dhex dhigo labada dhinac.
Magaalada Muqdisha oo daganeyd inta badan saacadihii maanta ayaa wax yar uun ka dib markii uu soo gabagaboobay fadhigaasi oo isagu aanay kasoo bixin wax natiijo ah oo la taban karo waxaa qeybo ka tirsan magalada Muqdisha dib uga billaawday dagaallo xooggan oo u dhexeeya xoogagga kala taabacsan masuuliyiintii wadaxaajooneysay.
Dagaallo aad u kulul ayaa haatan waxa ay ka soconayaan halka iska hor imaadyada ugu ba’ani ay ka jiraan ee aagga Jamhuuriya ee waqooyiga magaalada Muqdisha.
Sidoo kale dagaal xooggan hase yeeshee goos goos ah ayaa goor dhaweyd ka billawday agagaarka isgoyska Towfiiq ee magaalada Muqdisha iyadoo rasaasta iyo madaafiicda habowga ah ee iska hor imaadkaasi ay si isdaba joog ah usoo gaareyso suuqa loo yaqaano Suuq Bacaad ee Deg. Yaqshiid ee magaalada Muqdisha.
Ma jiraan ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaallada galabta maadaama inta badan dadkii goobahaasi ku dhaqnaa ay xilli hore sii faarujiyeen .
Macadda sida ay ay xabad joojin xaqiiq ah uga dhex dhalan karto dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisha maadaama ay labada dhinacba ku kala aragti duwan yihiin dagaalka Muqdisha iyo cidda ka dambeysa.
Hiiraan Online






