Arbaco, April 25 2007(HOL): Xubno kala metelaya Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in ay labada dhinac kulankooda uga wada hadlayaan sidii xabad joojin looga gaari lahaa dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.
 
Inkastoo aan la shaacin waxyaabaha ay rasmi ahaan isla soo qaadeen labada dhinac hadana waxay dad ku dhow Odayaasha Beesha Hawiye ay sheegeen in laga hadlay sidii xabadda Muqdisho ka socota loo joojin lahaa. heshiis xabad joojin ah oo ay labda dhinac horay uga gaareen dagaalladii Muqdisho ka dhacay ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, waxaana haatan la is-weydiinayaa waxa ay kulamadan ka gedisnaan doonaan kulamadii hore bacdaa aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay ee kulamadii hore ka soo baxay.
 
Wada hadallada la sheegayo in ay Magaalada Muqdisho ku leeyihiin Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo aaney wax shaqo ah ku lahayn Dowladda Federaalka oo iyadu Soomaaliya keentay Ciidamada Itoobiya ayaa natiijo ka soo baxda waxaa ka war dhowraya Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo yar oo ku harsan magaalada Muqdisho iyo kuwo badan oo horay uga barakacay, kuwaasi oo qaarkood nolol xumo ay ku heyso inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
 
 
Dhanka kalena, Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye ayaa maanta si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in dagaalka ka socda magaalada Muqdisho uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Beesha Cayr, wuxuuna sheegay Axmed Diiriye in hadalka Meles Zenawi ay mas’uuliyad darro ka muuqatay, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in ay hadalkiisaas ku ceebeysato.
 
Axmed Diiriye waxaa uu intaas ku daray in dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho uu u dhaxeeyo beesha Hawiye iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya ku soo gardarrooday iyo ragga soo kaxeystay, waa sida uu hadalka u yiriye, wuxuuna caddeeyay in ay Beesha Hawiye iska difaaci doonto Ciidamada ku soo gardarooday.
 
Sidoo kalena Axmed Diiriye waxaa uu eedeyn u jeediyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu ku eedeeyay in uu u socdo aar-goosi, inkastoo uusan carrabka ku dhufan godobta ay horay Beesha Hawiye uga gashay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ku xambaareysa in uu aar-goosto.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia