Arbaco, April 25 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in la dedejiyo Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalin ahaanta loo geynayo Soomaaliya, si ay u sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho oo haatan aanan hagaagsaneyn. 
 
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Sean Mccormack ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka aysan dooneynin in uu dalka Soomaaliya galo xaalad amni darro ah xiliga kala guurka ah ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Midowga Afrika ay is-bedelayaan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Midowga Afrika ee ciidamada laga sugayo in ay si deg deg ciiidamadooda ugu diraan Soomaaliya.
 
 
Hadalka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmay kadib kulan ay wada yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Itoobiya Dr. Gondalize Rice iyo Mr. Syoum Mosfen, iyadoo labadaas mas’uulna ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo weliba dagaallada ka socda.
 
Dowladda Burundi oo ka mid ah Dowladaha Midowga Afrika ka tirsan ee horay u sheegay in ay Soomaaliya ciidamo u dirayaan ayaa hataan waxay sheegeysaa in aysan heynin dhaqaalihii ay Soomaaliya ciidamo ugu diri lahayd, waxayna taasina muujineysaa in aysan Burundi ciidamo u soo wadin tan iyo inta ay ka heleyso dhaqaalihii ay ciidamadeeda ugu diri lahayd Soomaaliya
 
Dowladda Uganda ayaa magaalada Muqdisho u dirtay 1,500 Askari oo ay ugu talagashay in ay ka mid noqdaan Ciidamada Midowga Afrika ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxayna ciidamadaasi ku sugan yihiin xero ku taala Dugsigii Tababarka Xalane, iyadoo qeyb yar oo ka mid ahna ay ilaalo ka hayaan Nawaaxiga Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia