14.5 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ra’iisal Wasaare Zenawi oo sheegay cidda ay ciidamadiisa kula dagaalamayaan Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 25 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Muqdisho uusan u dhaxeynin ciidamadiisa iyo Beesha Hawiye oo dhan, wuxuuna xusay in ay la dagaalamayaan ciidamadiisa beesha Cayr oo ka tirsan Beel weynta Hawiye.

 
Ra’iisal Wasaare Zenawi waxaa uu sheegay in beelaha waa weyn ee Qabiilka Hawiyaha, sida Beesha Abgaal ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka, isla markaana ay nadiifiyeen deegaanadooda, wuxuuna farta ku fiiqay in meelaha dagaalka uu ka socdo ay yihiin meelo aysan dad badan ku sugneyn oo dadkii deganaa ay ka baro kaceen.
 
Shan iyo ilaa afar degmo oo ka tirsan 16ka degmo ee gobolka Banaadir ayuu sheegay Meles Zenawi in ay ka socdaan dagaallada Muqdisho ka dhacaya, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadiisa u baahan yihiin si ay u soo af-jaraan dagaallada Muqdisho hal ilaa labo todobaad.
 
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa uu wax la buun buuniyay ku tilmaamay qiimeyn uu soo saaray Guddi ay Odayaasha beelaha Hawiye u saareen in uu soo qiimeeyo khasaaraha ka dhashay dagaallada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in warbixinta qiimeyntaas qeybo ka mid ah laga soo xigtay wax uu ugu yeeray hay’ado ku sheegyo u dooda xuquuqda Aadanaha, kuwaasi oo ka tirsan Al-Shabaab , waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Meles Zenawi waxaa uu intaas ku daray in uusan dooneyn in uu ciidamadiisa Soomaaliya ka saaro iyadoo ay Soomaalida dagaalameyso, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadiisa sii wadayaan howlgallada lagu nabadeynayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu sidaan leeyahay ayaa hadana waxaa Magaalada Muqdisho isku arkay oo kulamo ku leh maanta Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odayaasha Beelaha Hawiye oo iyagu horay u sheegay in dagaallada Muqdisho ka dhacaya ay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Beesha Hawiye.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).