14.5 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Dagaal Weli ka socda magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 25 2007(HOL): Dagaal aad u culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu weli ka socdaa Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkana uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay kaalinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 
Dagaalka maanta ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacayaa Xaafadaha Towfiiq, Jamhuuriya iyo Duleedka Hotelka Ramadaan, waxaana halkaas laga maqlayaa rasaas ka dhaceysa qoryaha fudud iyo weliba madaafiic culus.
 
Madaafiicda ugu badan ee dagaalkan la isugu adeegsanayo ayaa waxaa intooda badan laga tuuraa xarunta Villa Somalia iyo xarumaha Gaadiidka, Gaashaandhigga iyo Asluubta, inkastoo ay jiraan madaafiic ay iyaguna ridayaan kooxaha wax iska caabinta ah ee ka soo horjeeda Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Dagaallada ka socda magaalada Muqdisho oo maalintii 7aad galay ayaa wuxuu saameeyay inta badan Magaalada Muqdisho, waxayna haatan rasaasta iyo madaafiicda gaaraan degmooyin nabdoonaa oo ay ka mid yihiin Shibis, Boondheere, C/casiis iyo Kaaraan, iyadoo dadkii halkaas deganaa iyo kuwo u qaxayna ay bilaabeen in ay sii qaxaan.
 
Inta badan madafiicda waa weyn ee ay labada dhinac isu adeegsanayaan waxaa ay ku dhacayaan guryo maran oo ay dadkii ka barakaceen, waxayna taasi yareysay in ay sii kororto khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh ee soo gaari jirtay dadka rayidka ah ee uu dagaalka kula bilowday Magaalada Muqdisho.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma muuqdo ilaa iyo haatan dadaal lagu joojinayo dagaallada Muqdisho, marka laga reebo baaqyo xabad joojin ah oo beesha caalamka ka yimid iyo xiriirro dhexmaraya Odayaasha meteleya Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, walow la ogyahay in xabad joojin ay horay u wada gaareen labada dhinac ay shaqeyn weyday, dagaalkiina uu dib u bilowday.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).