
Arbac. 25, Apri. 2007 (HOL)   R/Wasaaraha  Xukuumada Itoobiya Males Zenawi oo ka hadlayay Magaalada Adis Abab ayaa waxaa uu si faah faahsan ugu hadlay dagaalada wali ka sii socda Caasimada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo waliba kooxo ku kacsan joogi taankooda.
 
 
R/Wasaarhu waxaa uu sheegay in dagaalada Culus ee ka socda Caasimada Muqdisho Ciidamadiisu ka gaareen guulo la taaban karo  oo wax ku ool  ah,  isaga oo intaa u daray in hada inta badan caasimadu tahay mid xasiloon islamarkaana xoogeeda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo waliba kuwa Itoobiya ee is garabsanaya.
 
Meles Zenawi waxaa uu ka hadlay cida uu u dhaxeeyo Dagaalka Qaraar ee ka socda Caasimada Muqdisho, waxaana uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in warbaahintu buun buuniso in Dagaalku yahay mid u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed ama beel ka tirsan Beelaha Soomaalida iyo waliba Ciidamada Itoobiya, lakiin taa waa mid xaqiiqda ka Fog ayuu yiri,  waxaana uu itaa raaciyay in dagaalka ka socda Muqdisho yahay Mid dhax-maraya Kooxo Tiro yar oo ka haray Ururkii la oran jiray ayuu yiri Al-shabaab.
 
Ujeedka aynu leenahay waxaa uu yahay ayuu yiri in aynu hubino in si dhab ah looga taqlusay wax uu ku tilmaamay Awooda Al-shabaab,  iyo waliba in meesha laga saaray culeyska ay leeyihiin kooxaha ku kacsan Dowlada Federaalka,  mana aha wax suurta gal ah  in aynu ka baxno soomaaliya inta xaaladu sidan tahay, ayuu sii daba dhigay Males Zenawi.
 
Waxaa kaloo uu sheegay in ciidamadiisu u baahan yihiin in la siiyo wax ka yar hal todobaad si markaa loo soo afjaro howl-galka ka socda Magalada Muqdisho, oo sida uu hadalka u dhigay ay wadaan Beel yar oo ka farcanta  Beesha Hawiye taasoo xiriir toos ah la leh ayuu yiri  Arga-gixisada, waxaana uu yiri beeshaasi waa mid ku mideysan  Ururka Al-shabaab oo uu siweyn ugu soo cel celiyay.
 
 
Dhanka kale R/iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu edeyn kulul u soo jeediyay Ururada Bulshada Rayidka ee Muqdisho oo sida uu tilmaamay safka hore kaga jira dagalada ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaa uu yiri mar walba waxaa la soo saaraa Tirakoobka dad Rayid ah oo sida la sheego ay dileen Ciidamada Itoobiya mana ah wax dhab ah oo la rumeysan karo, waxaana uu gaashaanka ku dhuftay in ciidamada Itoobiya ay ku dileen Magaalada Muqdisho dad Rayid ah.
 
Dhanka kale kulan ay kuwada yeesheen dalka Mareykanka  Wasiirka Arimaha dibada dalka Itoobiya  Sium Musfen iyo waliba Gabadha arimaha dibada ugu qaabilsan dalka Mareykanka Mss.Condaleeza
Reca, waxaa uu ka sheegay in ciidamada dalka Itoobiya qorshahoodu aheyn in ay sii joogaan gudaha dalka soomaaliya waqti fog islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saarayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online