14.5 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Dagaallo xoogan oo saaka ka billaawday magaalada Muqdisha.

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arboco, April 25 (HOL) – Dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowlada Itoobiya iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa saaka mar kale si xoogan uga billaawday qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho in kastoo wali lahadal hayo xabad joojin laga dhex abuuro dhinacyadaasi dagaallamaya.

 

Dagaal xooggan oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hatan waxa uu ka soconayaa aagga Jamhuuriya ee waqooyiga magaalada Muqdisha.

 

Iska hor imaadkan oo billaawday aroornimadii saaka oo ah maalintii 7aad oo ay dagaaladu si isdaba joog ah uga soconayaan magaalada Muqidisha ayaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ku  dhaw goobaha ay colaaddu ka oogan tahay.

 

Ilaa 3ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay rasaasta habowga ah ee ka imaneysa aagga dagaalka iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo ay midi haweeney tahay sida ay HOL u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah.

 

Lama garanayo ilaa iyo haatan khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya maadaama ay wali tahay waqti hore si arintaaasi go’aan looga gaaro.

 

Dagaalka saka ayaa dadweynaha Muqdisho ku noqday mid kadis ah maadaama ay filayeen in ay dhaqan gasho xabad joojintii la hadal hayay habeenkii xalay ahaa.

 

Hiiraan Online

warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).