14.7 C
London
Monday, November 3, 2025

Dadaal xabadda lagu joojinayo oo ka socda magaalada Muqdisha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, April 24 (HOL) – Waxaa mar kale soo cusboonaaday dadaalladii loogu jiray in waan-wantii iyo xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Itoobiya iyo xoogagga kasoo hor-jeeda.

 

Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa goor dhaweyd shaaca ka qaaday in uu jiro dhaqdhaqaaq haatanba soconaya oo ku aaddan sidii lagu joojin lahaa xiisadaha iyo dagaalka khasaaraha badan geystay ee muddada 6da maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisha.

 

Waxa uu xusay in ay jiraan xiriirro cusub oo ay lasoo sameeyeen madaxda dowladda Itoobiya kuwaasoo ku aaddan sidii loo qaboojin lahaa dagaallada ka oogan magaalada Muqdisha.

 

Axmed Diiriye waxa muujiyay suurta galnimada in xabaddu ay caawaba istaagto berritana ay dadweynaha reer muqdisha ku waa bariistaan jawi dagan oo ka duwan kii maalmihii laga soo gudbay.

 

Waxaa jira buu yiri wadaxaajood waqti xaadirkan u socda masuuliyiinta beesha Hawiye u qaabilsan dhinaca siyaasadda iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya kaasoo la filan karo in ay kasoo baxdo natiijo lagu diirsado.

 

Xaaladda magaalada Muqdisho aya caawa dagan laga soo bilaabo markii uu gabalku dumay iyadoo ay gabi ahaanba aamuseen dhawaqyadii kala duwanaa ee rasaasta yar yar iyo kuwa madaafiicda cul culus ee maanta leysku weydaarsanayay Muqdisha

 

Horay ayaa waxaa u bur-buray waan-waan iyo xabad joojin ay wada galeen odayaasha iyo saraakiisha Itoobiya lamana hubo sida ay dadweynaha reer Muqdisho ku aamini karaan haddiiba leysla gaaro xabad joojin cusub.

 

Hiiraan Online
warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).