
Saturday, April 21, 2007
Danjiraha Somalia ee magaalada Nairobi, Maxamed Cali Americo, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Ku xigeenkii Duqa magaalada Muqdisho, Ibrahim Cumar Sabriye Shaaweey, uu maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.Shaaweey, waxaa lagu dhaawacay weerar bambaano oo gaarigiisa lagu qaaday isaga oo maraya magaalada Muqdisho gudaheeda, wuxuuna daaweyn u joogay magaalada Nairobi.
Ma cadda in uu dhaawacaas u geeriyooday iyo in kale.
Xasan Qalaad oo ka mid ah ku xigeennada Duqa Magaalada Muqdisho ayaa isagana lagu daaweynayaa magaalada Nairobi ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay baabuur uu saarnaa magaalada Muqdisho gudaheeda.
Xigasho: BBC Somali, April 21, 2007






