13 C
London
Monday, October 27, 2025

DAGAALADII MUQDISHO OO HALKOODII KA SII SOCDA IYADA OO WALI DHINACYADA IS HAYA AYSAN WAX NATIIJO AH GAARIN.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti,  21, Apri. 2007 (HOL) Wararka ka soo Baxaya Caasimada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maalintii sadaxaad wali Magaaladu ay ka socto Duqeyn Culus oo ay geysanayaan Madaafiicda kooxaha iska soo horjeeda isku ridayaan, iyada oo dhanka kalana wali dhinacyada is haya aysan wax natiijo ah ka gaarin dagaalada Lagu hoobtay.
 
sida ay Tibaaxayaan Wararkii ugu danbeeyay ee ka  soo  baxaya Caasimada Muqdisho Dagaalada ayaa wali ka socda Goobihii markii hore dhinacayadu isku hor-fadhiyeen, Gaar ahaan Deegaanka Fagax  iyo inta u dhaxeysa Hotelka Ramadaan oo ah halka labada garab uu dagaalka xoogiisa ku dhax-marayo.
 
Marka laga soo tago Madaafiicada sida daran-dooriga ugu dheceysa goobaha dadka Rayidka ah ee ka Fog dagaalka, ayaa waxaa xusid mudan in dhinacyad is haya kooxba ay joogto halkaa ay joogtay markii uu dagaalku bilaawday, taasoo muujineysa in dagaalku yahay mid soo afjarmi karin siina badinaya uun qasaaraha dadka Rayidka ah soo gaaraya.
 
wararka laga helayo Goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in Dagaladii dhacay Maalintii shalay ilaa Habeenkii xalay ahaa ay ku naf-waayeen in ka badan 15 Ruux oo ah inta la ogaaday, walow ay jiri karaan kuwo kale oo xabadu ku haleeshay gudaha guryihii ay ku noolaayeen, waxaana Isbitaalada qaar hada la bilaabay in laga dhiso Teendhooyin la dhigo dadka dhaawaca ah kadib markii ay buux dhaafeen sariiraha Isbitaalada.
 
Qasaaraha soo gaaraya dadka Riyidka ah ayaa ilaa hada waxaan ka hadlin marna dhinacyada ku loo lamaya owaada iyo gacan ku heyta Muqdisho, kuwaasoo intii ka baxsatay dagaalada ay dhibaato ku heysto daafaha Magaalada Muqdisho,
 
kala soco HOL wixii ku soo kordha hadba xaalada Magaalada Muqdisho oo ay wali ka socdaan dagalada.
 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).