5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

MAXEY KA WADA HADLAYAAN MADAXWEYNAHA UGANDA IYO WALIBA DHIGIISA ERITREA.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Isniin, April 02. 2007 (HOL)  Waxaa siweyn diirada loo saaraya wada hadalada dalka Eritrea ku dhax maraya  Madax-weynaha dalka Uganda Uweri musafini iyo dhigiisa  ka arimiya dalka Eritrea, maadama la wada og yahay Mowqifka dowlada  uu hada booqashada ku marayo  Uweri Musafini ee ku aadan arimaha soomaaliya iyo waliba siyaasada Dowlada Uganda oo ah mid u jan-jeera dhinaca Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
 
labada Madax-weyne ayaa booqasho qaadan doonta labo Cisho waxaa ay si weyn ugu faaqidi doonaa Arimaha sii Adkaanaya ee dalka soomaaliya, gaar ahaan sidii dowlada Eritrea gacan Buuxda uga geysan laheyd  nabad ku soo dabaalida dalka Mudata dheer Bur bursan ee Soomaaliya,  inkastoo aan la shaacin  nooca ay tahay gacanta laga doonayo in  Xukuumada Eritrea ka geysan karto  xaalada murugsan ee Soomaaliya, Maadaama  Gudaha dalka ay hada ka howl-galayaan Ciidamada Dowlada Itoobiya oo cadaawad gaamurtay ay kala dhaxeyso Eritrea.
 
Madax-weynaha Dowlada Uganda oo ah Mas’uulkii ugu horeeyay ee Africa ee ciidamadiisa u daray gudaha dalka soomaaliya walow ciidamadaasi lagu soo dhaweeyay weeraro dhaawac iyo dhamasho geytay, ayaa dhanka kale la ogeyn in uu kala hadli doono dowlada Eritrea  Arimo la xiriira Xildhibaanada  ku kacsan Dowlada Federaalka ee halkaa ku sugan, Maadaama Mr. Musafini yahay mas’uul si weyn ugu ola leeya taaba galinta Siyaasada Dowlada uu Max-weynaha ka yahay C/laahi Yuusu Axmed.
 
dhanka kale waxaa la filayaan in wada hadalada labada cisho ee Maxdaxda Eritrea iyo waliba Uganda layskula soo qaado Qodob ku saabsan hadal kor jore ka soo baxay Wasiirka Wasaarada warfaafinta Dalka Eritrea Cali  Cabduu oo sheegay in Dowlada Uganda ay ka dalbanayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadeeda uga saarto  gudaha dalka soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in ciidamo halkaa loo diro aysan aheyn mid micno weyn ku soo kor dhin karta xaalada dalka Soomaaliya.
 
sikataba waxaa isha lagu wada hayaan ugu danbeyn waxa ka soo bixi kara  kulanka Madaxda labada dowladood ee sida weyn ugu kala Fog arinta soomaaliya, gaar ahaan Dowlada Uganda oo miisaan la saarayo marka uu shirka soo dhamaado dhanka wararka ka soo baxaya ay u bataan, waxaana hubaal ah in dowlada Eritrea aysan qaadan karin  in ay lug ku yeelato siyaasada soomaaliya oo hada gacanta ugu jirta Dowlada Itoobiya.
 
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).