Isniin,
Xaafadaha qaarkood ayaa haatan laga dareemayaa
Xaafadaha urtaas laga dareemayo ee ay dadka badan ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Xamar Bile, Cali Kamiin, Baar Ayaan, Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Mogadishu Stadium iyo Towfiiq, iyadoo xaafadahaasina ay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee ay ka dhaceen dagaalladii Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu ahaa mid khasaare ba’an ay ka soo gaartay dadka rayidka, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda ay isugu adeegsadeen gudaha Magaalada Madaafiic waa weyn, haba ugu darnaadeen Ciidamada Itoobiya oo cirka dhulka madaafiic ka adeegsaday.
Marka laga soo tago qaxa iyo khasaaraha nafeed ee uu geystay dagaalkan waxaa uu dhanka kale xayiray isu socodka dadka, waxaana aad u yaraaday gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray Degmooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay taasi sii dheer tahay magaalada oo ay ka sii yaraanayaan adeegyadii ay bulshada u baahneyd sida Biyihii, Korontadii iyo Isgaarsiintii.
Magaalada Muqdisho waxaa ammaan ah oo ay dadku u qaxayaan degmooyinka Xamar Weyne, Kaaraan, Shangaani, C/casiis iyo Madiina, waxaana marka aad dhexmarto degmooyinkaas aad arkeysaa dad guryo ay degaan waayay oo geedaha hoostooda iska dhigtay gogol wixii ay wateen, iyagoo sidaasina faa’iido ku qaba bacdamaa ay ka soo fogaadeen madaafiic ay dushooda isaga rideen dhinacyada Xamar ku dagalamaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






