Khamiis, 19. April. 2007 (HOL) Dalka Soomaaliya waqtigan marka la eego waa mid lugaha la galay Marxalad ka duwan kuwii horay u soo maray, gaar ahaa marka aad eegto Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya oo la oran karo waa mid magan u gashay Dagaalo aan dhamaad la heyn iyo waliba hadal heyn taa ka duwan oo ah daalo nabadeed oo mar walba lagu cel celiyo in ay socdaan.
Madaafiicada ka dhaceysa Qoyaha BMka iyo Waliba Tankiga oo lagu sii daray Huubiya islamarkaana ay bar bar socdan Rasaasta ka dhaceysa Qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa inta badan waxaa ay yihiin dhawaaqa kaliya ee ku soo dhaca dhagaha shacabka Reer Muqdisho, hadana wax yar uun ka dib waxaa soo If-baxaya Xaalad taa ka duwan oo ah in kulan uu u socdo dhinacyada isku haya Caasimada Muqdisho lagana yaabo in wax uun lasyku Af-garto.
Markii hore waxaad moodaa in Shacabku siweyn ugu dhag taagayay wararka ku saab san wada hadalada, Lakiin waayo aragnimo laga dhaxlay sida mar walba arimuhu isku badalayaan ayaa waxaa ay meesha ka saartay kalsooni badan oo lagu qabi karo wararka sheegaya wada hadalada Nabadeed ee u socda dhinacyada is haya, Taasoo hubanti ka dhigeysa in wacyiga iyo waliba dareenka Bulshada ee ku aadan Arimaha is khilaafsan uu sara u kacay.
Xitaa waxaa in la xuso u baahan in laftirkooda aysan kalsooni badan qabin qeybaha wada hadaladu u socdaan, gaar ahaan dhinaca kooxaha ku kacasan Ciidamada Itoobiya oo marka Qalabka Warbaahinta laga weydiiyo Bal in shacabka loo sheegi karo in Guryadooda ay ku soo laabtaan iyo in kale Jawaabta ay bixinayaan kaliya ay tahay in Rajadu wanaagsan tahay Balse aysan ka hor dhici karin sida arimuhu u socdaan.
marka leysku geeyo labada Qeybood ee ah Dagaalada mar walba la filan karo ee ka dhacaya Muqdisho iyo waliba Hishiiska Socda ee Afka uun laga sheego, ayaa ah kuwo Rajabo Beel ku sii ridayaan inta ka harta shacabka Dulman ee maata meesha Cidlada ah ka jiifa Hoygii ay la hayeen iyada oo waliba aysan jirin Cid u maciinta oo gacan gaar ah ka siisa dhabaatooyinka soo food saaray.
Sikastaba Muqdisho Maata waa magaalo caasimad ah lakiin la oran karo waxaa heysata ayaan daro uga timid loolanka siyaasadeed ee ku aadan cida Rasmiga ah ee ku haboon in ay maamusho, iyada oo shacabkii ku dhax-noolaana u qeybsameen kuwo Rasastu dishay, kuwo daryeel la’aan u jiifa Isbitaalada, kuwo doorbiday in ay iska hayaamaan kana doortaan xaalada taagan Geedaha hoostooda oo ay u dheertahay koleyka Qoraxda iyo qabowga habeenkii, waxaana ku soo biiray kuwo kale oo inta ay is biimeeyeen si naxariisdaro ah loogu laayaay badaha, waxaase Su’aashu tahay waayo cida la maamulayo Mustaqbalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia