10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Hoggaamiyayaal Soomaali ah oo ugu baaqay Itoobiya in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

 Khamiis, April 19 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoomiyaha Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Aadan iyo Xuseen Maxamed Caydiid oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta oo hadal saxaafadeed ka soo saaray Dalka Eretereya ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

 
Seddexdan Mas’uul oo haatan ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa waxay sheegeen in ay Itoobiya Ciidamadeeda si gardarro ah u gelisay Dalka Soomaaliya, isla markaana ay halkaas ka wadaan falal isugu jira xasuuq, barakicin, kufsi iyo xarig, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka in ay wax ka qabato dhibaatada ay Ciidamada Itoobiyaanka ka geysanayaan dalka Soomaaliya.
 
“ilaa hadda waxaan isticmaaleynaa wada hadal, haddiise ay Itoobiyaanka wax ku qaadan waayaan hadalka aan u jeedineyno, isla markaana ay Ciidamadooda kala bixi waayaan Soomaaliya waxaan isticmaali doonnaa wax kasta oo aan dalkeena uga saareyno”sidaasi waxaa yiri Xuseen Maxamed Caydiid.
 
Xuseen Caydiid waxaa uu sheegay in Dadka dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka ay yihiin 10%, isla markaana aysan weli dagaalka soo wada gelin dadka Muqdisho oo dhan, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay Xoogagga Soomaaliyeed u baabac dhigi karaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan. Xuseen Caydiid waxaa uu intaas ku daray in ay mas’uuliyiinta Asmara ku sugan ay ka shaqeynayaan sidii nabad loogu soo celi lahaa Soomaaliya.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madax ka ahaa Maxkamadihii Islaamka ee xukunka lagala wareegay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ku biiraan kooxaha loogu yeeray Muqaawada ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka ah ee caawinaya Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
 
Magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa waxaa haatan ku sugan Xildhibaano dhowr ah oo uu horkacayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo ay gadaal kaga biireen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xuseen Maxamed Caydiid oo Dowladda Federaalka ka ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, waxayna halkaasi ku joogaan ogolaasho ay ka heystaan Dowladda Eretereya oo cadaawad ay kala dhaxeyso Dowladda Itoobiya.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).