Khamiis, April 19 2007(HOL): Odayaasha Beesha Hawiye ee wada hadalka la lahaa Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa ku eedeeyay saraakiishaas inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay horay u kala saxiixdeen.
Afhayeenka Guddiga Odayaasha Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay dhinacooda adkeynayaan heshiiskii xabad joojinta ahaa balse ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya jebiyeen heshiiskii ay kala saxiixdeen, wuxuuna caddeeyay in maanta ay Ciidamo Itoobiyaan ah dagaal ka bilaabeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Axmed Diiriye waxa uu sheegay in haddii ay Saraakiisha Itoobiyaanka sidaas garteen ay iyaguna waajib ku tahay in ay is-difaacaan bacdamaa sida uu yiri aysan iyagu xagooda ka jebin heshiiskii xabad joojinta ahaa, isla markaana aysan xabadda bilaabin.
“Nimankan madaxda u ah Ciidamada Itoobiyaanka waxay muujinayaan in aysan rabin xal laga gaaro dagaalladii Muqdisho ka dhacay, waxaana taasi daliil u ah waxay diideen qodobadii heshiiska lagu sii wadi lahaa oo ay ka mid yihiin in ay dib uga laabtaan goobihii ay dagaalka ku qabsadeen, in ciidamada la kala qaado, in laga hadlo wixii keenay dagaalka iyo qodobo kale”ayuu yiir Axmed Diiriye.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhawaan la wareegeen gacan ku heynta Xaafadda Xamar Bile, Isgoyska Cali Kamiin, Xaruntii Xisbiga iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Natiijo la’aanta ay ku dhamaadeen wada hadalladii u socday Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha CIidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay dad badani u aaneynayaan iyadoo ay Odayaasha Beesha Hawiye ka meer meerayaan in ay wada hadallo toos ah la yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dalka Soomaaliya keentay Ciidamada Itoobiyaanka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia