10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid oo loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arboco, April 18 (HOL) – Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybiid)  ayuu R/Wasaare Cali Maxamed Geedi u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dib markii uu xilka ka qaaday taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed Jen. Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobi). Magacaabistaan ayaa  ku beegneyd shir ay golaha wasiiradu ku yeesheen maanta magaalada Muqdishu.

Jen. Cali Madoobi ayaa waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania,  waxaa sidoo kale R/wasaaraha Geedi uu C/raxmaan Nuur Diinaar u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Suuriya halka Sayid Axmed Sheikh Daahir loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda.

Shirkaan golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo magacaabay seddex guddi oo kala ah:

a) Guddiga la xisaabtanka haya’daha gargaarka
b) Guddiga deegaanka iyo ka guuritaanka guryaha dowladda
c) Guddiga sahminta iyo arrimaha qaxootiga

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).