10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan oo lagu eedeynayo in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka soo barakacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 18, 2007(HOL): Waxaa siweyn isu soo taraya Cabashada ku aadan dhibaatado soo food saartay dadka ku soo Barkacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan kuwaasoo ka soo baxsaday dirirta ka socta Caasimada Muqdisho, waxaana inta badan Cabashadaasi tahay mid ku wajahan Hay’adaha Samafalka ee ka howl-gala Gudaha Gobalka oo lagu eedeynayo in ay ka gaabiyeen Wax u qabashada dadka daagta daran.

 
Eedeymaha loo jeedinayo Ha’adaha oo ah kuwo in tooda badan la xiriira wax qabasho la’aan ayaa la oran karaa waa mid sii xoogeystay Sacadihii u dabeeyay oo siweyn Gobalku ay uga horteen Roobabkii Gu’ga, oo meel cidlo ah ku haleelay dad ay la soo daristay Hoy la’aan iyo waliba meel ay gabaad kaga dhigtaan Dhibicda Roobka.
 
Ururada Maxaliga ah ee ka howl-gala Gobalka ayaa ah kuwa ugu badan ee soo jeedinaya Eedeymaha ku wajahan Hay’adaha Samafalka, iyaga oo sheegay in ay ka gaabiyeen gacantii looga looga fadhiyay in ay ka geystaan u gar gaarida dadka ka soo hayaamay Guryihii ay ku noolaayeen oo hada intooda badan gacan aan sidaa u badneyn ka helaya Ururo is xil qaamay.

 
dadkan soo Barakacay oo intooda badan dagan meel dibada ka ah Magaalada, ayaa xooga saaray sidii ay u sameysan la haayeen Guryo Macmil ah oo ka sameysan Baco iyo Baakado lasyku kabay, walow hadana guryahaa aan la oran karin waa kuwo awood u leh in ay ka difaacaan Roobabka da’aya.
 
Hay’adaha Samafalka oo qaar kood ka jawaabay Eedemaha loo soo jeediyay ayaa sheegay in hay’aduhu leeyihiin Qorshe howleed u gaar ah lakiin aysan waxba ku qaban cabasho iyo waliba Eedeymo sida ay hadalka u dhigeen iska socda, waxaa ay intaa ku dareen in ay la socdaan daruufa adag ee waqtigan la soo darsay dadka soo barakacay islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo caawin lahaa.
 
Meelaha ugu badan ee dadkani deegaanka ka sameyteen ayaa waxaa ka mid ah Nasiib iyo waliba Doon-subagle oo ah goobo banaan kuna yaala meel duleedka ka ah Magaalada B/weyn, halkaa oo ay ku booqdaan Ururo is xil qaamay oo gaarsiiya hadba wax markaa ay awoodaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).