Arbaco, April 18, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta wuxuu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golahiisa Wasiirrada, isagoo qaar xilalkii isugu bedelay, halka xubin ka mid ah Golaha Wasiirradana uu xilkii ka qaaday.
Wareegtada uu soo saaray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo uu saxafiyiinta u aqriyay ku simaha Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha Wareegtadan soo saaray kadib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalka ku sugan iyo howlaha xasaasiga ah ee looga fadhiyo Xubnaha Xukuumadda Federaalka, isagoo weliba la tashaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isuguna la sheegay in uu aqbalay isku shaandheynta uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Geedi.
Wareegtada uu soo saaray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa la sheegay in xilkii uu hayay looga qaaday Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Waarre, halka Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilkaas laga wareejiyay, isla markaana loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada.
Sidoo kalena Cali C/llaahi Cosoble ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Tira-koobka, halka Wasiirkii Xilkaas horay u hayay oo ahaa Xuseen Ceelaabe Faahiye-na loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Waa isku shaandheyntii labaad ee uu Ra’iisal Wasaare CAli Maxamed Geedi ku sameeyo Xubnaha Golahiisa Wasiirrada tan iyo wixii ka dambeeyay markii la dhimay tiradii badneyd ee ay ka koobnaan jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana isku shaandheyn tan ka horeysay xilalkii loogu kala bedelay Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheer oo madax ka kala ahaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
Isku shaandheynta uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu xilalkii XIldhibaanimo ka qaaday ilaa 31 Mudane oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Shiikh Aadan, walow Xildhibaanada xilka laga qaaday ay ku doodayaan in aanu jirin Baarlamaan xor ah oo xil ka qaadis ku sameyn kara.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia