10 C
London
Monday, October 27, 2025

Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala Gobolka Hiiraan oo cambaareyn u jeediyay Maamulka Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, April 17, 2007(HOL): War Qoraal ah oo ay soo saareen Ururada u olaleeya Xuquuqda adanaha ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan ayaa waxaa si kulul loogu Canbaareyay Maamul Gobaleed Puntland oo sida ay sheegeen Ururada Qoraalka soo saaray ku guul dareysatay wax ka qabasha Xasuuqa lagula kacayo dadka tahriibayaasha ah ee ka dhuufa xeebaha Maamulku ka taliyo.

 
Ururada Qoraalka soo saaray oo kala Ururka Daryeelka Caruuta iyo waliba Xuquuqda Aadaha ee Ugaas Khaliif iyo Waliba Ururka Xuquuqda Aadaha ee HIWA ayaa wax laga xumaado waxaa ay ku tilmaameen in dadka ka cararaya dhibaatada dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho si aan naxariis la’heyn loogu wax yeeleeyo gaar ahaan wararkii ugu danbeeyaya ee soo baxayay kuwaasoo sheegaya in Xeebaha Yaman laga helay dadka Garbo duub u xiran oo meydkoodu ku soo caariyay Xeebta, taasoo ay ku tilmaameen ururadu arin u muuqta Xasuuq ula kac ah oo ay geyteen wax ay ku tilmaameen Naxariis laa wayaal ka beec mushtara sida Qoraalka lagu sheegay dhiiga dadka.
 
Max’ed Cimaan Timo Jilic iyo waliba Caaliyo Caga-baruur oo labaduba madax ka ah Ururada Qoraalka soo saaray ayaa waxaa ay ugu baqeen Mas’uuliyiinta Maamul Gobaleedka Puntland in ay wax ka qabtaan dhibaatada loo geysanayo dadka Raadinaya meel ay kaga bad baadaan dhibaatada Colaadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyaga oo intaa ku daray in hadii ay arimuhu sadan ku sii socdaan Taariikhdu la xisaabtami doonto Ma’uuliyiinta Puntland.

 
sidoo kale waxaa baaq si kulul loogu canbaareyaya Dowlada federaalka oo sida Ururadu sheegeen iyadu mas’uul ka ah dadka sida micno darada ah ugu dhamanaya badaha islmarkaana aysan mar kaliya xitaa soo hadal qaadin, taasoo ah ayaa lagu sheegay ayaan daro la soo daristay Mas’uuliyiina Qaranka.
 
baaqa oo ahaa mid dhinacyo badan ka hadlayo ayaa Ugu danbeytii loogu jiidiyay Fariin Qoysaska soomaaliyeed ee Maqlaya dhibaatada ka dhaceysa Bada oo hadana ku dhiiranaya in Caruurtooda iyo waliba Eheladooda ku dhiiri galiyaan biimadaa halista ah, ugu danbeytiina waxaa ay ka codsadeed cid kasta oo u diyaar ah Safarka noocaa oo kale ah in ay ka jooogsato si ay san u marin halkii ay mareen saxiibadoodii ka horeeyay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).