10 C
London
Monday, October 27, 2025

Wada hadallo toos ah oo u furmay Guddi ay iska soo saareen Beelihii dhawaan ku dagaalamay Deegaanka Baar-Moog ee Is-maamulka Soomaalida Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, April 17, 2007(HOL): Wada hadlo Toos ah oo lagu lafa gurayo sidii loo soo Afjari lahaa Khilaaf Mudo ku dhaw 1 sano u dhaxeeyay Beelaha Udeejeen iyo Xawaadle ayaa waxaa uu u Bilaawday Gudi ka kooban min 25 xubnood oo ka kala Tirsan labada dhinac. Khilaafka Labada dhinac oo ah mid ka soo Bilaawday Deegaanka Jawiil kadib markii ay soo dageen Ciidamo ka Amar qaata Xildhibaan Ing. Max’ed Xuseen Cadow ayaa sii xoogeytay sidoo kale kadib markii Arimuhu isku badaleen kuwo Siyaasadeed oo ay kuwa lug yeesheen Mas’uuliyiinta hogaamisa Siyaasada ee Labada Beelood.

 
Waxaa xiligaa fashillo is daba joog ah lagala kulmay isku dayo la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada taasoo ay ugu wacneyd arimaha oo ahaa kuwo siyaasdeed iyo walba qaabka wada hadalada u dhacayeen oo ahaa kuwo bilowgeedu wanaagsaneyn, lakiin markii danbe waxaa Culuskii jiray Meesha ka saaray Maxkamadii Islaamiga Gobalka Hiiraan oo mar kaliya ka Taqlustay dhincyadii is hayay, islamarkaan ka dhigtay labo garab oo isku siyaasad ah kana soo horjeeda Nidaamkii Islaamiga Waqtigaa jiray.
 
Balse waxaan meeshaa ku dhamaan Colaada dadka labada Beelood oo Mar kale dagaal Qaraar uu ku dhax-maray Deegaanka Baar-magoog ee Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo inta la hubo ay ku dhinteen in ka badan 40 Ruux oo ka kala Tirsan labad Dhinac.
 
Hadaba kulamada u Gudiga furmay labad beelood oo ah kuwo xasaasi mar marka qaarna la oran karo waxaa ku hor gudbay caqabado wax u dhimi kara habsami u socoda howlaha shirka ayaa waxaa ka mid ah ilaa hada arimha lasku mari la yahay qaabka iyo waliba sida loo wajahayo dhameyta colaadii wajida badneyn ee labada dhinac, Iyadoo Gudiga dhinaca Beesha Udeejeen ay doonayaan in arimaha loo kala qaado labo qeybood oo kala ah in wixii ka dhacay gudaha gobalka lagu dhameeyo isla gudaha gobalka, lakiin loo baahan yahay in wixii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya looga wada hadlo isla gudaha Itoobiya, halka Gudiga Beesha Xawaadlana ay doonayaan in arimaha oo dhan lagu dhameeyo Gudaha Gobalka.
 
Soo loo soo Afjaro is mari waaga labad garab ee ku hor- gudban wada kulanka labada dhinac ayaa waxaa arintaa loo saaray in ay soo turxaan bixiyaan 17 Xubnood oo ka kala tirsan Beelaha kala ee daga gudaha gobalka, kuwaasoo dhinacood soo saaray in ay qabaan wixiii khilaaf ah ee jira in lagu dhameeyo gudaha gobalka maadaama beeluhu yihiin kuwo wada dagan isla gobalka hiiraan, lakiin gudiga wada hadlka uga qeyb-galaya dhinaca Beesha Udeejeen ayaa iyagu codsaday in la siiyo mudo ay kaga soo fakaraan qaadashada go’aanka kama danbeysta ah.

 
Kulanka u furmay labada beelood oo ay ka soo shaqeeyeen duubka dhaqan Gobalka hiiraan ayaa waxaa la oran karaa waa mid hadii lagu guleysto meesha ka saaraya colaadii mudo soo soctay ee sababtay in ay dhintaan dad aan waxba galabsan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).