Talaado, April 17, 2007(HOL): Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee aan weli barakicin ayaa waxay muujinayaan wel wel ku saabsan in ay mar kale magaalada Muqdisho ka dhacaan dagaallo kale oo khasaare geysta.
Wel welka ay muujinayaan dadkan ayaa yimid kadib markii ay maalintii shalay ahayd shaaciyeen Odayaasha Beelaha Hawiye in ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ay wada hadallada la lahaayeen ay diideen in ay ka baxaan xarumihii ay dagaallada ku qabsadeen.
Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka diideen in ay ka baxaan fariisimadii ay horay ugu qabsadeen dagaalladi Muqdisho ka dhacay, wuxuuna caddeeyay in ay taasi dhabar jab u keeni karto wada hadalladii u socday labada dhinac.
Haddaba iyadoo ay dadka Muqdisho wel welkaas qabaan ayaa hadana waxaa shalay iyo dorraad dib ugu soo laabanayay Magaalada Muqdisho dad horay ugu barakacay oo dhibaato ay kala soo gudboonaatay goobihii ay u qaxeen sida Roobkii Guga oo ka dul curtay iyagoo geedo ku hoos nool.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xal laga gaaro dagaalladii Muqdisho ka dhacay ayaa sii fogaanaya, waxaana laga joogaa xiligii ay dagaallada Muqdisho ka qarxeen 20 maalmood oo ay dadku jiraan jawi aan nabad iyo dagaal toos ah ahayn, tiiyoo ay magaalada ka sii qaxayaan dad rajo xumo ka muujiyay in xal laga gaaro xiisadda colaadeed ee Muqdisho ka aloosan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia