10 C
London
Monday, October 27, 2025

Hoggaamiyaha Maxkamadihii Islaamka oo sheegay in aaney Soomaaliya joogin Dad xiriir la leh Al-qaacida iyo Argagixiso

- Advertisement -spot_imgspot_img
Talaado, April 17, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxakamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan Soomaaliya joogin dad ka tirsan Al-Qaacidda iyo Argagixiso.
 
Shiikh Shariif waxaa uu diiday in Maxkamadihii Islaamka ee uu madaxda ka ahaa ay xiriir la leeyihiin Al-qaacidda, wuxuuna caddeeyay in ay Maxkamadaha ay ku yimaadeen rabitaanka Dadka Soomaaliyeed.
 
Shiikh Shariif oo u waramayay Taleefashinka Af-Carbeedka ku hadla ee Al-Jazeera ayaa wuxuu sheegay in hadalladaas ay mar kasta fidiyaan dad ka xumaaday nabadgelyadii iyo kala dambeyntii ay Maxkamadihii Islaamka ku soo dabaaleen deegaano badan oo dalka Soomaaliya ku yaala.
 
Haddaba, iyadoo uu sidaas leeyahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka sheegaan in ay Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin rag xiriirka la leh argagixisada Caalamka, waxaana ugu dambeeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo shalay sheegay in dhibaatada ka aloosan magaalada Muqdisho ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah iyo kooxo sida uu yiri haleeyay magacii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.
 
Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu maamuusayay sanadguuradii 64aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Xisbiga ay Banaadirigu leeyihiin ee SNU, wuxuuna intaas ku sii daray Ra’iisal Wasaaraha in ay Dadka Soomaaliyeed leeyihiin Culumaa’udiin wanaagsan oo Ahlu Sunna la yiraahdo.
 
Mar uu la hadlayay Mas’uuliyiintii SNU wuxuu u sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku dadaali doonto sidii ay u sixi lahayd qaladaad badan oo ay Dowladdii hore gashay, kuwaasi oo uu ka xusay ku dhaqanka qabyaaladda iyo cadaalad darrada.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).