Talaado, April 17, 2007(HOL):Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku shiray xaruntiisa KMG ah ee Magaalada Baydhabo ayaa isku raacay in xilalkii ay Baarlamaanka ka hayeen laga qaado Guddoomihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano ku fikir ah oo intooda badan dalka dibaddiisa ku maqan.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka doodi lahaa sharciga la dagaalanka argagixisada ayaa markii la soo dhameystiri waayay ajendayaashaasi ku saabsanaa ka doodista sharicga la dagaalanka argagixisada ayaa wuxuu guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ku wargeliyay Xildhibaanada Baarlamaanka in 31 Mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ay xilalkoodi waayeen kadib markii ay fadhiyada Baarlamaanka ku imaan waayeen muddo loo qabtay oo dhameyd 30 cisho.
Sida uu sheegay Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ma dhicin wax cod bixin ah oo Xildhibaanadaas codka looga qaaday, wuxuuna caddeeyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu go’aankaas ku dhawaaqay, Xildhibaanadana ay ku raaceen.
Xildhibaanada Xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Shariif Xasan Shiikh Aadan (Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka) Shariif Saalax Maxamed Cali, Shariif Maxamed Sayidii, Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Cabdi Yuusuf, Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg), C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Jaamac Cali Jaamac, Caasho Xaaji Cilmi, Axmed Diiriye Maxamed, Saleebaan Colaad Rooble,Suuri Diiriye Carab, Maxamed Xasan Daryeel, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Axmed Maxamed Saleebaan, Fowsiyo Maxamed Shiikh, Jamaal Xasan Ismaaciil, Munye Siciid Cumar iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa intaas kadib ku dhawaaqay in Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanadaas xilka laga qaaday ay booskooda u soo magacawdaan xubno kale, si ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu metelaan.
Si kastaba arrintu ahaatee, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Shiikh Aadan iyo Xildhibaanada kale ee la fikirka ah ayaa waxay ku doodayaan in uusan jirin Baarlamaan Soomaaliyeed oo intuu si xor ah u fariisto go’aanno soo saari kara, waxayna ku cel celiyeen in Xildhibaanada Baydhabo jooga ay yihiin kuwo aan xor ahayn oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah dul degan yihiin, iyagoo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii horay loogu sameeyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






