10 C
London
Monday, October 27, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye oo soo dhaweeyay Mowqifka Cali Mahdi Maxamed ee cidda ay u dhaxeeyaan Dagaallada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 16, 2007(HOL): Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadal uu sii daayay Cali Mahdi Maxamed oo ku saabsanaa cidda ay u dhaxeeyaan Dagaallada Muqdisho.

 

Nabaddoon Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Cali Mahdi Maxamed uu runta ka sheegay cidda Muqdisho ku dagaalameysa, wuxuuna sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan hadalka Cali Mahdi Maxamed, isagoo intaas ku daray in aaney jirin wax xiriir ah oo uu Odayaashooda la soo sameeyay Guddiga Qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ay u dhaxeeyaan Dadka Muqdisho iyo Dowladda Federaalka, isagoo ka codsaday dhinacyada ay dagaallada u dhaxeeyaan in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadka u dhaxeeya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo magacawday Guddiga uu madaxda u yahay Cali Mahdi Maxamed ee u xil saaran qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Qaran ayaa waxay sheegtaa in Dagaallada Muqdisho ka socda ay u dhaxeeyaan wax ay ugu yeertay kooxo argagixiso ah iyo Dowladda Federaalka oo dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd Nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay in aysan Dowladda Federaalka hoos tegin guddi ahaan, howshoodana madax banaan yihiin, isla markaana ay iyagu go’aamin doonaan cidda ka qeybgeleysa shirka dib u heshiisiinta ah ee ay qaban qaabadiisa u xil saaran yihiin, halka ay Dowladda Federaalka horay shuruudo ugu xirtay cidda ka qeybgeleysa shirkaas.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka ka soo yeeray Cali Mahdi Maxamed ee ay bogaadiyeen Odayaasha Beelaha Hawiye ayaan saadaal laga sii bixin karin sida ay Dowladda Federaalka u arki doonto, inkastoo ay caddeysay in guddigaas uu yahay mid madax banaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).