Isniin, April 16, 2007(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar Soomaaliyeed oo dooneysay in ay gurigooda oo halkaas ku yaala alaabo ka soo qaadato.
Gabadhan oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xaashi, isla markaana haatan daweynayo Isbitaalka Xaawa Cabdi ee ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa kufsaday dhowr nin oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ka hor intii aysan kufsan jirdil u geystay.
Fardowso oo qudheeda la hadashay saxaafadda waxaa ay sheegtay in maalintii Khamiista ahayd ee aynu ka soo gudubnay ay iyada iyo gabar saaxibteed ah ay aadeen xaafaddoodii oo ay uga qaxeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay, si ay uga soo qaataan alaabo ay reerkooda u baahnaayeen, waxayna intaas ku dartay in markii ay xaafaddooda u dhawaadeen ay rasaas ku fureen ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, kadibna ay iyada la hareen kadib markii ay gabadhii kale ka carartay.
Fardowso waxay sheegtay in ciidamada kufsaday ay isugu jireen Soomaali iyo Itoobiyaan, waxayna carrabka ku dhufatay in ay ragga kufsaday ay dhamaayeen 12 nin, kuwaasi oo si xun u faro xumeeyay ilaa ay miyir beeshay.
Waa haweeneydii labaad oo ay Ciidamada Itoobiyaanka kufsadaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii soo galeen Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxayna horay ugu kufsadeen deegaanka Ceel Cerfiid haweeney lagu magacaabo Suuban Maalin Cali, taasi oo markii la kufsanayay Magaalada Muqdisho u safarsaneysay Caws ay gaari Dameer ku wadatay.
Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa cambaareeyay kufsiga ay Ciidamada Itoobiyaanka ka geysteen magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuuna Baaq cabasho ah u jeediyay Beesha Caalamka, si ay wax uga qabato falalka tacadiga ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka geysanayaan Soomaaliya, gaar ahaana Magaalad Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






