10 C
London
Monday, October 27, 2025

Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka oo dib loo dhigay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 16, 2007(HOL): Shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay ilaa 14 bisha June ee soo socota, iyadoo maanta oo taariikhda ay ku beegan tahay 16-ka April 2007 ay ku beegneyd xiligii shirkaas loo asteeyay in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Hoggaaminaya Shirkaas Cali Mahdi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aanka dib u dhigista shirka, wuxuuna sheegay in ay go’aankaas qaateen kadib markii ay suurtagal noqon weysay in shirkaas lagu qabto waqtigii loogu talagalay.

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in sababaha dib loogu dhigay shirka ay ka mid yihiin iyadoo aan shirka loo heynin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa iyo iyadoo ay magaalada Muqdisho oo shirka lagu qaban lahaa ay ka jiraan dagaallo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda.

Cali Mahdi Maxamed oo horay Madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya ayay Dowladda Federaalka u xil saartay in uu guddoomiyo shir dib u heshiisiin ah ee ay ku baaqday, iyadoo shirkaasina ay dowladdu sheegtay in ay ka qeybgelayaan qabaa’illada Soomaalida ee horay colaadda u dhexmartay.

Magaalada Muqdisho oo maanta lagu qaban lahaa shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqday ayaa waxaa ka aloosan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Itoobiyaanka oo is-garabsanaya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana muuqata in aan shirkaas lagu qaban karin magaalad Muqdisho tan iyo inta ay dhamaanayaan dagallada ka jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).