11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka oo hub Muqdisho loo waday ku qabtay Magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 15, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan gaari xamuul ah oo hub iyo rasaas u siday magaalada Muqdisho oo ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeyso Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Gaari UD ah iyo labo nin oo wadatay ayay Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo gacanta ku soo dhigeen, kadib markii Ciidamada Booliska lagu soo wargeliyay in Gaari hub u sida Magaalada Muqdisho uu ka baxayo Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada KIsmaayo Col. Ibraahim Khaliif Shan Fool ayaa xaqiijiyay qabasahda gaarigaas hubka siday, wuxuuna sheegay in ay qabteen rasaasta qoryaha BKM, AK47 iyo G3, wuxuuna carrabka ku dhuftay in rasaastaas lagu shixnaday fuustooyin si loo qaldo Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ee howlgallada ka wada magaalada Kismaayo.

Taliyaha waxaa uu intaas ku daray in hubkaas uu noqon karo mid qaab ganacsi ah loogu waday magaalada Muqdisho hayeeshee waxaa uu caddeeyay in hubkaas uu qeyb ka noqon karo dagaalladii Muqdisho ka dhacay. Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Degmada Afgooye ay qabteen hub iyo rasaas sidan oo kale fuustooyin lagu soo shixnaday, kaasi oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu geliyo magaalada Kismaayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).