11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Buula-Burte oo Kooxo Burcad ah lagu soo qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 15, 2007(HOL): Wararka ka soo Baxaya Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan aya sheegaya in Howl-gal lagu sugayo Nabad-galyada Jidka dheer ee Isku xira Degmada Buula-buurte iyo Muqdisho ay Bilaabeen Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Degmada Kaasoo sida la sheegay lagu soo qab-qabtay Kooxo Burcad ah oo la tuhusan yahay in ay lug ku la hayeen Weerar dhawaan lagu qaaday Gawaari ka Timid dhinaca Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degamada Buula-Burte C/naasir Duurow oo u warmay HOL isaga oo jooga Degamada Buula-burte ayaa sheegay in Maamulkiisu wixii xiligan ka danbeeya kooxa saari doono sidii loo sugi lahaa nabad-galyada dadka ku safra watada isku xirta Gobalada dhaxe iyo Muqdisho oo siweyn ay hada u isticmaalaan dadka ka soo Barakacaya Dirirta Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyuhu waxaa uu intaa Raaciyay in Wixii hada ka daneeya Ciidamadu toogan doonaan cidii lagu arko iyada oo ku guda jirta howl Burcadnimo islamarkaana habeen iyo maalin la gaaf wareegi doono watada si markaa loo hubiyo nabad-galyada Guud.

Howl-galka ay bilaabeen Ciidamada Nabad-galyada Degmada Buula-burte ayaa ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay kooxo burcad ah weeraro kala duwan ku qaadeen Gawaari safar ah oo siday Qoysas soo barakacay kuwaasoo Qaar kood lagu dilay qaar ka mid Rakaabkii la socday.

dhanka kale waxaa Degmada Buula -burte siweyn u soo gaaraya dadka ka soo Barkacaya Dirirta wali ka socta caasimada Muqdisho, kuwaasoo dhibaatada ugu daran ee hada heysata ay tahay hoy la’aan waliba xili Gobalka ay curteen Roobabkii Gu’ga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).