Axad, April 15, 2007(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Madaxda Maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa u sheegay Wargeyska Asharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska in ay wada hadallo iyo dib u heshiisiin diyaar u yihiin haddii dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamada shisheeye ee ku jira.
“Haddii ay Ciidamadaas baxaan annagu dib u heshiisiin iyo wada hadal diyaar baan u nahay, mana diideyno, balse inta ay Dalka joogaan Ciidamo shisheeye wada hadallo nooma furna”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo intaas ku daray in Ciidamada Shisheeye ay bartilmaameed yihiin inta ay dalka Soomaaliya joogaan.
“Haddii ay jirto dib u heshiisiin fiican oo ay dadka Soomaaliyeed raali ka wada yihiin aniga kuwaasi ayaan ka mid ahay, mana diidayo dib u heshiisiinta”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo gebi ahaanba ka soo horjeestay in Ciidamo shisheeye ay ku sugnaadaan dalka Soomaaliya.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Maxkamadaha Islaamka aysan ogolaan doonin in Ciidamo shisheeye ay joogaan dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay la dagaalamayaan ciidamada jooga, si aan loo keenin ciidamo kale oo hor leh.
Sida uu qoray Wargeyska Asharqul Awsat Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in ay wada hadlayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya haddii uu ogolaado in ay dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah ee uu keenay.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda federaalka oo taageero ka helaya Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ka sii horna ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo Afar maalmood socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






