11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maanta degan kadib dagaallo goos goos ah oo shalay iyo xalay ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, April 14, 2007(HOL): Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii ay shalay iyo xalay ka jireen dagaallo goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay nawaaxiga Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Shiirkole, inkastoo uu dagaalkaas ahaa mid waqti gaaban socday.
 
Dagaalka xalay dhacay oo ahaa mid lid ku ahaa xabad joojin ay horay u wada gaareen Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaan la ogeyn cidda bilowday labadii dhinac ee dagaalka iskala soo horjeeday.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga xaqiijiyay gubasho soo gaartay garaash ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga oo shidaal uu yaalay, kaasi oo gubtay kadib markii ay ku dhaceen madaafiicdii ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.
 
Dhanka kalena, dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay maalintii shalay ahayd ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo shirkooda ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid yihiin in la sii adkeeyo heshiis xabad joojin ah oo ay labada dhinac kala saxiixdeen iyo in ay heshiisyada dhiman ay sii wadaan guddi afar xubnood ah oo labada dhinac kala metelaya.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xal loo helo dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo in la kala qaado ciidamada is-horfadhiya ayaa waxaa si weyn uga war-dhowraya dad badan ka qaxay magaalada Muqdisho oo ku kala sugan Muqdisho iyo daafaheeda iyo weliba gobollada kale ee dalka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).